Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray deegaano hoostaga Degmada Warsheekh
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Sabtidii kormeeray deegaano hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgal ka wadaan, ka dib markii la sheegay in lagu arkay maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab.
Shabaabka ayaa la sheegay in Isniintii ay gudaha u galeen deegaano ay ka mid yihiin Jabad Godane iyo Alanley, isla-markaana uu ujeedkoodu yahay in ay jaraan waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Dhexe ee dhinaca kalena u furan Gobolada Dhexe.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa sheegay in uu booqday deegaanada Shiikh-yaalo, Jabado, Warma’xoor iyo aagga Jabad Godane, isagoona sheegay in ciidamadu ay ka wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga dalka.
"Waxaan maanta kormeer shaqo ku tegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana booqday Shiikh-yaalo, Jabado, Warma’xoor, aagga Jabad Godane iyo deegaano kale oo ay Ciidamada Qaranku ka wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga dalka." Ayuu yiri Taliyuhu oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray "Intii kormeerku socday, waxaan kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan furimaha hore, waxaana kala qaadanay warbixinno iyo awaamiir la xiriira xaaladda amniga iyo hawlgalada socda. Waxaan bogaadiyay geesinimada, heeganka iyo naf hurnimada ay muujiyeen ciidamada, anigoo ku dhiirigeliyay inay sii xoojiyaan dadaaladooda difaaca qaranka."
Warbaahinta ayaa fahamsan in Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Militariga Somaliya ay dhulka ku xeeran Degmada Warsheekh ka wadaan hawlgal ay kaga fogeynayaan Shabaabka isku dayaya inay isku soo fidiyaan dhulka xeebta.
Kormeerka Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku saabsan in ciidamadu ay ka hortaggaan in Shabaabku ay ka soo ag-dhawaadaan waddada xeebta ee Degmada Warsheekh.












