Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tegay Degmada Xarardheere, xilli uu walaac amni ka jiro
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii gaaray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Taliyaha ayaa waxaa degmadaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan, isagoona la yeeshay kulan gaar ah.
Raadiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Taliyuhu uu saraakiishaasi kala hadlay xaaladda guud ee ammaanka iyo hawlgalada lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.
Taliyaha ayaa qoraal uu saaka ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in uu degmadaasi u tegay, si uu dhiirigelin ugu sameeyo ciidamada jiidda hore kula dagaalamaya kooxaha argagixisada.
"Waxaan shalay gaaray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, si aan kormeer iyo dhiirigelin ugu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee jiidda hore kaga jira dagaalka lagu la jiro Khawaarijta." Ayuu yiri Taliyuhu.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray "Socdaalkaygani wuxuu qayb ka ahaa dadaalada aanu ku xoojinayno amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed."
General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Dhagaweyne ee fadhigiisu yahay Magaalada Dhuusamareeb.
Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Degmada Xarardheere ayaa imanaya, iyadoo ay dadka deegaanka maalmihii u dambeysay soo food saartay cabsi ay ka qabaan suurtagalnimada in Shabaabku ay soo weerari karaan degmadaasi.
Dadka reer Xarardheere ayaa kuu sheegaya in laba toddobaad ka hor uu suuqa soo galay warar sheegaya Shabaabka ku sugan deegaanka Jowle oo hoostaga Xarardheere ay abaabul ugu jiraan, sidii ay weerar ballaaran ugu soo qaadi lahaayeen degmadaasi.
Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadu ay ka warqabaan in Shabaabku ay dhaqdhaqaaq ka wadaan deegaanada koonfurta Gobolka Mudug, isla-markaana uu jiro dareen ay dadku ka qabaan in la soo weerari karo Degmooyinka Xarardheere iyo Wisil, midkood.
Shabaabka ayaa magaalo xeebeedka Xarardheere laga kiciyay 16-kii bishii January ee sanadkii 2023, ka dib sanado badan oo ay ka arriminayeen.
Xarardheere ayaa ahayd xaruntii ugu weyneyd ee Shabaabka Gobolada Dhexe iyo weliba isha ay dhaqaalaha ugu badan ka helaan ee deegaanada Galmudug.
Mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa Universaltv u sheegay in inta mintidiinta Al Shabaab ay ku sugan yihiin deegaanka istiraatiijiga ah ee Jowle aysan khatartu ka fogeyn Xarardheere.
Jowle ayaa Xarardheere ku xiriirisa Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur, waana taliska ugu weyn ee ay haatan Shabaabku ku leeyihiin Gobolka Mudug.
Sanadkii 2023 oo deegaanada Galmudug uu ka socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ayaa waxaa jiray dhowr isku day, oo la doonayay in lagu xoreeyo Jowle, inkastoo ay guuldareysteen.
Jowle ayaa ah xudunta halka uu gurmadka u soo maro Shabaabka Gobolka Mudug, oo haddii la xorayn lahaa ay hubinti la'aan noqon lahayd joogitaankooda gobolkaasi.