Taliyaha Ciidanka Dhulka Somaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in ay kulan mira-dhal ah yeesheen Taliyaha Ciidanka Dhulka Turkiga, General Metin Tokel.

Taliyaha ayaa sheegay in kulankooda ay kaga wada hadleen, sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga militari iyo wada shaqaynta dhinaca hawlgalada ee labada dal.

"Kulankeenna waxaan diiradda ku saarnay sii adkaynta iskaashiga militeri iyo xoojinta wada shaqaynta dhanka hawlgalada ee labada ciidan. Waxaan si qoto dheer isu la gorfeynay dardargelinta barnaamijyada tababarka, tayaynta ciidamada iyo kor u qaadista awooddeenna difaac." Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo warkan ku sheegay qoraal uu galabta soo dhigay bartiisa Facebook.

"Geba-gabadii, waxaan uga mahadceliyay garab istaagga walaaltinimo iyo taageerada hagar la'aaneed ee ay mar kasta la garab taagan yihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka." Ayuu yiri Taliyaha oo aan sheegin goobta uu kulanka ka dhacay.

Xiriirka iskaashiga difaaca ee labada dal ayaa aad u xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay, iyadoona Militariga Turkiga ay dhawaan fariisimo cusub ka sameysteen duleedka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan inta u dhaxeyso deegaanada Ceel-Bashaqle (Bashaqle) iyo Qorilow.

Cutubyo ka tirsan Militariga Turkiga ayaa bishii February loo daabulay deegaanadaasi, ka dib hawlgal ay ka qayb qaateen oo 26-kii bishii January maleeshiyada Al Shabaab looga saaray deegaanka Jabad Godane oo aan sidaasi uga fogayn deegaanka kale ee Qorilow.

Hawlgalkan ayaa ahaa mid wadajir ah oo khatarta Al Shabaab looga fogeynayay deegaanada hoostaga Degmada Warsheekh, isla-markaana saaran waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Dhexe ee dhinaca kalena u furay Gobolada Dhexe.