Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed oo la kulmay Saraakiisha Mareykanka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu sagootinayay Saraakiisha Mareykanka ee dalka ka hawlgala ee dhameystay waqtiga hawlgalkooda, laguna soo dhaweynayay saraakiisha kale ee Dowladda Mareykanka ku soo bedeshay.
Saraakiisha Mareykanka oo taliskooda ugu weyn uu yahay Xerada Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose, sidoo kalena laba saldhig ku leh Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka taageera dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayayntooda iyo hawlgalada hawada ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
"Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee hore u joogay dalka dadaalkii iyo doorkii ay ka qaateen la shaqeynta Ciidanka Soomaaliyeed, gaar ahaan taageeradii ay siiyeen Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab XDS, taas oo wax weyn ka taray tayaynta awoodda ciidanka iyo xoojinta amniga." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Militariga Somaliya.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay sii socon doonto wada shaqaynta ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah, si loo gaaro baa warka lagu yiri yoolalka amniga qaranka iyo xoreynta deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada.
Somaliya ayaa taageerada ugu weyn ee militari ay Mareykanka ay ka hesho ay tahay tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab, qalabayntooda iyo ka gacan siinta weerarada xagga cirka.
Saraakiisha Mareykanka ayaa Danab ku tababara Xerada Ballidoogle ama Gaashaanle Xasan Tuure, waana ciidan lugta ah oo loo carbiyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Xoogaga Danab ayaa ah mid ka mid ah Ciidamada Gaarka ah ee ay maanta Somaliya leedahay, iyagoo fuliya hawlgalada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsado argagixisada amaba dembiileyaasha, waxay sidoo kale gacan ka gaystaan hawlgalada lagu naafeeyo cadowga iyo dib-u-xoreynta dhulka ka maqan gacanta qaranka.







