Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday Taliska Qaybta 1aad ee Gorgor
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqday Xarunta Taliska Qaybta 1aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor.
Taliska Qaybta 1aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa ah qayb ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo talskeedu uu yahay Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqasho shaqo ku tegay taliska ayaa halkaasi kula hadlay Saraakiisha iyo Ciidanka Guutada 21aad, iyadoo guutadan ay tahay mid cusub oo bishii August tababar heer sare ah loogu soo xiray dalkaasi Turkiga.
"Taliyuhu wuxuu ciidanka kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, ilaashadaan anshaxa iyo isku-duubnida ciidanka, isla-markaana ay joogteeyaan heeganka iyo diyaargarowga ciidan, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka loo igmaday." Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
"Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyuhu wuxuu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Hoggaanka, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee ciidanka, xoojinta howlaha loo igmaday iyo sidii loo horumarin lahaa diyaargarowga iyo hufnaanta ciidanka." Ayuu warka intaasi ku daray.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay Taliyaha Taliska Taakuleynta ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Maxamuud Xasan (Garabey).
Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu xoojinayo isku xirka ciidamada iyo awoodda hawlgal ee ciidamada, waana xilli maalmihii u dambeeyay ay caqabad ka haysatay dhameystirka hawlgalka ay ciidamadu 26-kii August ka bilaabeen deegaanka Basra.
















