Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo farriin u diray ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa bariga Gobolka Hiiraan ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guurada 65-aad ee ka soo wareegatay aasaaskooda, oo maanta oo kalena qaybo ka mid ah dalka laga xuso marka la gaaro 12-ka bisha April oo ku beegan maalintii la aasaasay.

Taliyaha ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay ku jiraan waqtigoodii ugu dambeeyay, isagoona rajeeyay in dhawaan la soo afjari doono.

Taliyaha ayaa muuqaal uu soo duubay isagoo ku sugan jiidda hore, waxaa uu ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda inay si adag ula dagaalamayaan kooxaha argagixisada.

Taliyaha ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, isla-markaana ay hortaagan yihiin horumarka dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada kula dardaarmay inay laba laabaan dagaalka ka dhanka ah Shabaabka hubeysan, si uu qaranka u xaqiijiyo yoolashiisa dagaalka.

"Runtii argagixisadu waa naf la caari, waxayna marayaan meel geba-gabo ah. Waxaan rabaa marka xubin kasta oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalkeeda iyo waqtigeeda inay laba jibaarto, siina adkeyso la dagaalanka argagixisada, si aan u xaqiijino dhammaan yoolasha aan leenahay." Ayuu yiri Taliyuhu.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Militariga Somaliya ayaa shacabka ugu baaqay inay si buuxda u garab istaagaan dagaalkan uu sheegay in dalka looga ciribtirayo argagixisada.

"Maantay, waxaan dagaal kula jirnaa argagixiso caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda kala duwan. Sidaasi daraadeed si aan jiritaankeenna iyo dowladnimadeenaba u xaqiijino qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah waxaa masuuliyad ka saaran tahay oo waajib ku ah, sidii ay uga qayb qaadan lahayd dagaalka socdo, qof walba inta ay kari karto." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa farriintiisa ku xoojiyay "Waxaa la rabaa qof walba inta uu dagaalka ka gaysan karo inuu ka gaysto, argagixisaduna runtii waa geba-gabo."

Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa deegaanka Aboorey u jooga dardargelinta hawlgalka ay ciidamadu ku soo afjarayaan maleeshiyada Al Shabaab ee ku go'doonsan qayb ka mid ah deegaankaasi.

Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa aaminsan in Shabaabku ay halkaasi ku hayaan meydadka xubno ka mid ah oo dagaalka lagu dilay iyo welibana dhaawac fara-badan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa suuqa soo galay warar sheegaya in maleeshiyadu ay codsatay in loo furo waddo ay halkaasi uga baxaan, laakiin aan baaqooda la dhageysan.

Saraakiisha Ciidamada ayaa kuu sheegaya in maleeshiyadu ay haysato fursad qura, taas oo ah in ay isa soo dhiibaan, haddii kalena ay dhintaan.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa la eegaya, waxa uu ku dambayn doono masiirka maleeshiyadaasi lagu hareereysan yahay.