Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer ku maraya furimaha Gobolka Hiiraan
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo kormeer ku sameynaya furimaha hore, ee ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan ayaa maanta kormeeray jiidda hore ee deegaanka Goobo.
Taliyaha ayaa halkaasi kula kulmay xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, kuwaa oo Goobo ku leh taliskooda ugu weyn ee gobolkaasi.
Taliyaha oo dhiirigelin ugu tegay xoogagaasi ayaa ku ammaanay, sida ay ugu dhiiradeen in ay dagaal adag kala hortaggaan maleeshiyada Shabaab.
Jananka oo u gudbay fariisimaha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin duleedyada Degmada Maxaas ayaa waxa uu ciidamada kula dardaarmay in ay u diyaargaroobaan dhameystirka gulufka Shabaabka lagaga sifeynayo gobolkaasi.
General Odawaa ayaa hawlgalkan ku sheegay kiisii ugu dambeeyay ee dalka looga ciribtirayo maleeshiyadaasi, ka dib dhowr iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ka bilaabay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.











