Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray ciidamo uu tababar uga socdo duleedka Caabudwaaq

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta kormeer ugu tegay ciidamo muddooyinkii u dambeeyay uu tababar uga socday deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Kormeerka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Xerada Militariga Xananbuure ayaa la xiriira mid uu ugu kuurgelayo xaaladda ciidamada lagu wado inay dhawaan ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka.

"Ujeedka kormeerka ayaa ahaa u kuurgelidda xaaladda cutubyada ciidanka ee tababarka ku jira, tayada tababarka ay qaadanayaan iyo dhiirigelinta ciidamada, si ay u laba jibaaraan waajibaadka qaran ee saaran." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

Warka ayaa lagu sheegay "Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa la hadlay ciidamada tababarka ku jira, isagoo ku booriyay inay sare u qaadaan anshaxa, kartida iyo difaaca dalka, si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo xoreynta deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta."

Ciidamada lagu tababarayo Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure oo boqolaal gaaraya ayaa sanadkii hore laga soo xulay deegaanada Galmudug, si ay gacan uga gaystaan hawlgalada dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Socdaalka Taliyaha Militariga Somaliya ee gobolka oo qayb ka ahaa in uu tababar u soo xiro ciidamadaasi ayaan la aqoon sababta aanu maanta tababarka ugu soo xiran ciidamada ku biiraya difaaca dalka.

Taliyaha Militariga ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne).