Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo laga yaabo inuu u yeero Cali Jeyte Cismaan

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud uu ka fekerayo suurtagalnimada in uu u yeero Cali Jeyte Cismaan, si uu u hoggaamiyo Ciidanka Difaaca Shacabka (Macawiisley) ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dadaalo lagu xakameynayo dhaqdhaqaayqada sii xoogeysanaya ee Al Shabaab ka waddo bariga gobolkaasi, iyadoo maleeshiyada ay illaa sanadkii hore culeys amni ku haysay deegaanada xorta ah ee gobolka.
Ciidamada ayaa waxay dhibaato ka haysataa inay joojiyaan weerarada is ballaarinta ee Al Shabaab iyo in ay jaraan gurmadka iyo saadka maleeshiyada ee bariga iyo galbeedka gobolkaasi iyo isu socodkooda Gobolada Koonfurta & Bartamaha.
Sarkaal ka tirsan Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho ayaa Universaltv u sheegay in Taliyaha Militariga uu haysto dhowr ikhtiyaar oo miiska saaran, si wax looga qabto xaaladda Gobolka Hiiraan, isla-markaana xulashooyinka horyaalla uu qayb ka yahay Cali Jeyte Cismaan oo laba jeer soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Sarkaal kale oo ka tirsan Militariga Somaliya ayaa sheegay in Cali Jeyte loo arko nin gacan ka gaysan kara in ciidamadu ay xaqiijiyaan yoolalka dagaalka ee gobolkaasi.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in uu tixgelin karo in Jeyte uu ka caawiyo gulufka ka dhanka ah Al Shabaab, bacdamaa uu khibrad u leeyahay dagaalka maleeshiyada, isla-markaana uu ciidamadu u horseedi karo guul ay xilligan adag ka gaaraan dagaalka.
Jeyte ayaa si weyn uga dhex muuqday dagaaladii lala galay Al Shabaab, intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ee sanadihii 2022 iyo 2023 laga sameeyay gobolkaasi, markaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay maleeshiyada ka saareen bariga gobolka.
Jeyte ayaa bishii September ee sanadkii 2022 abaabulay oo horkacay kacdoon dadweyne oo lagaga soo horjeedo Shabaabka Gobolka Hiiraan, markii dambena ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee hubka u qaatay inay iska difaacaan Al Shabaab ayaa sanadihii 2022 iyo 2023 Shabaabka ka saaray ku dhawaad toddobaatan boqolkiiba (70%) dhulkii ay ka haysteen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, inkastoo maleeshiyadu ay dib u soo qabsatay inta badan deegaanadii laga kiciyay, ka dib markii uu hakad ku yimid hawlgalkii lagu la dagaalamayay.
Khubarada dhanka militariga ayaa kuu sheegaya in hawlgalkaasi laga bartay in muddo gaaban lagaga adkaan karo maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay ka jilicsan yihiin sidii la moodayay.
Jeyte ayaa 29-kii bishii October ee sanadkii 2023 loo magacaabay U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley, balse doorkiisa hoggaamineed ee ciidamada ayaa hoos loo dhigay amaba la xaddiday labadii sano ee u dambeysay, sababtuna waa in Villa Somalia ay ka mashquushay la dagaalanka Al Shabaab, iyadoo u jiheysatay wax ka bedelka & dhameystirka Dastuurka KMG iyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Jeyte ayaa waxaa suurtagal ah in mar kale uu hoggaamiyo Macawiisleyda, waa haddii Taliye Ibraahim uu ku qanco in uu hoggaanka qabto, isla-markaana uu ogolaansho uga helo Madaxda Dowladda Federaalka.


