Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo safar dhinaca dhulka ah ku tegay Degmada Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tegay Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

"Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa daarnaa in loo kuurgalo xalaadda geesiyaasha Ciidanka Deegaanka ee ku sugan Degmada Berdaale." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Militariga.

Warka ayaa lagu sheegay in Taliyaha uu kormeeray Xeradii Gaaska Ciidamada Berdaale, halkaas oo xilligii Dowladdii Kacaanka ay deganaayeen ciidan dowladeed oo nidaamsan.

"Taliyaha ayaa kormeeray Xeradii Gaaska Ciidamda Berdaale, halkaas oo ay ka hawlgeli jireen Guutooyinka Ciidamada Lugta iyo Madaafiicda Ciidanka XDS." Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray "General Ibraahim Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa taabtay muhiimada ay ciidan ka Xoogga Dalka u leedahay Xerada Gaaska Berdaale iyo sida ay u tahay goob istiraatiiji ah."

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Jimcihii dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa Isniintii uga ambabaxay dhinaca Berdaale, waana safar qaatay masaafo dhan 65km, marka la eego inta ay isku jiraan labada magaalo.

Berdaale waxay ka mid tahay laba iyo tobanka magaalo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee 28-ka bishan laga qabanayo doorashada isku sidkan.

Socdaalka Taliyaha Militariga Somaliya ee Berdaale ayaa ah farriin uu ku muujinayo in waddada xiriirisa Baydhabo iyo Berdaale ay tahay mid amni ah, waana xilli maleeshiyada Al Shabaab ay dib ugu soo laabteen waddada kale ee isku xirto Baydhabo iyo Buurhakaba, ka dib hawlgal toddobaadyo ka hor looga sifeeyay waddadaasi.