Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in dhulka maqan la qaban doono
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay kooxaha argagixisada ka saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin inay naftooda u huraan, sidii shacabka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa Shabaabka dhulkooda haysta.
Taliyaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sida Sabiid iyo Caanoole oo kale u xorayn doonaan deegaanada kale ee ay Shabaabku ku sugan yihiin.
"Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo uu joogo, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay inuu naftiisa iyo dhiiggiisa u huro, sidii shalay nimankii Khawaarijta ahaa ee meeshan godadka ka qotay looga saaray, deegaan kastoo ummad Soomaaliyeed ku dhibaateysan inuu dhiiggiisa iyo naftiisa u huro, sidii dadkaasi looga dulqaadi lahaa." Ayuu yiri Taliyuhu.
Taliyaha ayaa hadalkan Talaadadii ka sheegay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo shalay ay Dowladda Federaalka dib u dejin ugu sameysay qaybtii koowaad ee dadka reer Sabiid & Caanoole ee guryahooda ay Shabaabku burburiyeen bishii June ee sanadkii hore.
Hadalka General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Militariga Somaliya ayaa imanaya, iyadoo ciidamadu ay dhaqdhaqaaq ka wadaan gobolada dalka qaarkood.
Shabaabka ayaa la aaminsan yahay in cadaadiska ugu weyn ee militari ay haatan kala kulmayaan qaybo ka mid ah labada gobol ee Hirshabelle.









