Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in la xoojin doono ciidamada ku sugan Koonfur Galbeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in la xoojin doono ciidamada ka hawlgala deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo ay Dowladda Federaalka isku diyaarineyso Doorashada Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay shir guddoomiyay kulan amniga looga hadlayay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo, kaas oo ay ka qaybgaleen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), Saraakiisha Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka kala tirsan Booliska, Nabad Sugidda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa kulanka ka sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono amniga deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo, isagoona sheegay in isla xisaabtan uu jiri doono.

"Sidaad ogtihiin dabcan, hadduusan amni jirin, nolol ma jirto. Amniga waa waxa ugu horreyo ee qofka bani'aadanka uu u baahan yahay." Ayuu yiri Taliyaha oo Saraakiisha u sheegay in lagu la xisaabtami doono amniga magaalada.

"Waxaa la rabaa qof weliba meesha masuuliyadda laga saaray inuu amniga masuuliyaddiisa ka guto. Qof kasta masuuliyaddii la saaraa laga rabaa, lagu lana xisaabtamayaa. Haddii meeshaas ka biyo deysana qof kaasaa masuuliyadda qaadi doono, haddii Ilaahay idmo." Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa ciidamada uga mahadceliyay hawlgalkii waddo sifaynta ay dhawaan ka sameeyeen waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in la bilaabi doono hawlgal dib-u-xorayn ah, oo sida uu sheegay lagu ilaalinayo amniga waddadaasi, si looga hortago inay ku soo laabtaan maleeshiyada Al Shabaab.

"Waxaa imaan doona qorshooyin dib-u-xorayn oo deegaanada hadda la isku furay in lagu sii ilaaliyo, waddadii cadowga laga nadiifiyay inay furan tahay, nabadgelyo tahay, shacabka Soomaaliyeed-na aan lagu dhibaateynaynin in la adkeeyo." Ayuu yiri General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Militariga Somaliya.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray "Annaga ka Ciidanka Xoogga Dalka ahaan waxaa naga go'an dabcan deegaanada hadda qaybna howshooda laga qabtay, qaybta kalena ay ka dhiman tahay in la dhameystiro, annagoo kaashanayna ciidamada kale ee Qalabka Sida ee deegaanadan joogo. Waxaan rajaynayaa tirada ciidamada kalena ay ku joogaan in la soo xoojin doono."

Taliyaha Militariga ayaa ugu dambayn Saraakiisha Ciidamada kula dardaarmay inay iskaashi ka yeeshaan, sidii qoysaska barakacayaasha ee Baydhabo ku nool ay guryahooda dib ugu laaban lahaayeen, taas oo ku iman karta in deegaanadooda laga kiciyo maleeshiyada Al Shabaab.

Baydhabo ayaa waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada labaad ay ku nool yihiin barakacayaasha ugu badan, iyadoo Muqdisho ay tahay tan koowaad. Baydhabo ayaa waxaa tobankii sano ee la soo dhaafay ku soo badanayay qoysaska barakacayaasha, iyagoo xaalado isbiirsaday awgood uga soo barakacaya deegaanada qaar ee Gobolada Baay iyo Bakool.