Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad oo xilka kala wareegay Korneyl Maxamed Yariisow Aadan
Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska ee Magaalada Baydhabo.
Taliyaha oo Talaadadii la magacaabay ayaa xilka kala wareegay Korneyl Maxamed Yariisow Aadan, oo ah Taliyihii shaqada kaga horreyay. Is bedelkan ayaa imanaya, iyadoo 10 bilood oo qura uu Korneyl Maxamed Yariisow ku magacawnaa Taliyaha Qaybta 60aad. Korneylka la bedelay oo muddooyinkanba ka maqnaa Magaalada Baydhabo ayaa dib ugu laabtay dhowr cisho ka hor.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo toddobaadkii 2aad howlo shaqo u jooga magaaladaasi ayaa xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore.
G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale, Taliyaha Qaybta 60aad ee Militariga Somaliya oo nin dhallinyaro ah ayaa xafiiska la wareegaya, iyadoo uu walaac amni ka jiro magaalada.
Magacaabiddiisa ayaa waxay la xiriirtaa in uu shaqo ka qabto weerarada ay duleedyada magaaladaasi ka gaysanayaan ciidamo taageersan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee xukunka laga tuuray 30-kii bishii March.
Waajibaadkiisu keliya ma ahan in uu gacan bir ah ku qabto amniga Baydhabo iyadoo waqti doorasho lagu jiro, balse sidoo kale waa inuu si wax ku ool ah u maamulo saddexda guuto ee taliska uu ka kooban yahay.
Guutooyinkan oo kala ah Guutada 6aad, Guutada 8aad iyo Guutada 9aad ayaa ka hawlgala Gobolada Shabellaha Hoose, Baay iyo Bakool ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Qaybta 60aad waxay ka mid tahay qaybaha Ciidanka Xoogga Dalka ee naadirka ah ee ka kooban wax ka badan laba guuto, marka aad eegto in inta badan qaybaha ay ka kooban yihiin min laba guuto.
Si kastaba ha-ahaatee G/dhexe Berdaale ayaa noqonaya Taliyihii ugu da'da yaraa ee qabta hoggaanka taliskaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiisha Militariga.












