Taliyaha CXD oo ka qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka qaybta ka ah AUSSOM
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta Magaalada Kampala uga qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka Afrika ay ciidamada ka joogaan Somaliya.
Shirkan oo ay martigelisay Dowladda Uganda ayaa looga hadlay Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (AUSSOM), waxaana uu yimid, ka dib markii Mareykanka uu horaantii bishan sheegay in uu joojin doono taageerada Ciidanka AUSSOM, oo aan waqtigooda la cusbooneysiin doonin, marka la gaaro 31-ka bisha December. Mareykanka ayaa go'aankiisan u sababeeyay fashilka dagaalka Al Shabaab iyo horumar la'aanta amniga Somaliya.
"Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee Somaliya, dib-u-eegista horumarka laga sameeyay dib-u-dhiska iyo tayaynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, xaaladda guud ee Hawlgalka AUSSOM iyo taageerada la xiriirta iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hawlgalada wadajirka ah ee u dhaxeeya Ciidanka XDS iyo Ciidamada Hawlgalka AUSSOM." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Somaliya.
Warka ayaa lagu sheegay "Intii uu shirku socday, madaxda ka qaybgashay waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqaynta istiraatiijiga ah ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Somaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamadooda qaybta ka yihiin Hawlgalka AUSSOM, si loo dardargeliyo dadaalada lagu xaqiijinayo amniga dalka, korna loogu qaado awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, loona xoojiyo la dagaalanka kooxaha argagixisada."
Dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar ayaa ah dalalka ciidamada ku deeqay Hawlgalka AUSSOM, iyadoo Uganda ay tahay dalka ciidamada ugu badan ka joogaan Somaliya.
Xoogaga AUSSOM ayaa Dowladda Soomaaliyeed ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.





