Taliyaha Militariga oo la kulmay Ciidanka Danab ee qaybta Galmudug
Taliyaha Militariga Somaliya, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqday Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab ee Magaalada Dhuusamareeb oo dhismaheeda uu geba-gabo marayo, iyadoona uu halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ururka 163aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Maxamed Bashiir Shiikh Cali Good Barqadle.
Taliyaha Militariga oo goobta kula hadlay Ciidanka Danab ayaa ku amaanay in ay shaqo badan ka qabteen deegaanada Galmudug ee ay ka hawlgalaan, waxaana uu bogaadiyay hawlgal ay dhawaan u taggeen deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.
"Ilaahay ha idiinka ajar siiyo dadaalkiinna tirada badan leh, Ilaahayna ha u naxariisto saaxiibadeennii shahiiday iyo walaalihii naga horreyay." Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa ciidamada ku dhiirigeliyay inay xoojiyaan waajibaadka qaran ee ka saaran dalka difaaciisa, oo ay ugu horreyso la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
"Waxaa la dhihi jiray Faanoole fari kama qodna, shaqada na hortaallo weli ma dhawa, mana dheera xaqiiqatan." Ayuu yiri Taliyaha oo intaa raaciyay "Nimankii argagixisada ahaa ee intaasoo sano aad la soo dagaaleyseen ee waagii intaad Gaalkacyo uga soo tagteen illaa aad ku gayseen cirifka kale, maanta maalin ay ka tabar yar yihiin ma jirto, sidoo kale maanta maalin aan ka fursad badanahayna ma jirto."
Taliyaha oo ciidamada ka hor hadlayay ayaa yiri "Dhallinyaradii Soomaaliyeed ayagoo raxan raxan ah ayaa waxay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed aan ku biirno, si dalka nimankan argagixisada ah aan uga xorayno. Waxaan heli doonnaa waqti aan dheereen dhallinyaro tiro badan oo wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo safka dadaalka iyo jihaadka nagu la soo biiri doono."
General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intaasi ku daray "Waxaan rajeynaynaa in waqti dhow nimankan argagixisada ah ay taariikh noqon doonnaa."
Taliyaha ayaa tan iyo Khamiistii ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, isagoona u jooga arrimo la xiriira shaqada ciidamada.




















