Taliyaha Militariga oo la kulmay Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka
Taliyaha Militariga Somaliya, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Arbacadan Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, Saraakiisha Hoggaanka Hawlgelinta iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Sahal Cabdullaahi Cumar.
Taliska Militariga ayaa war uu soo saaray lagu sheegay in kulanka looga hadlay dib-u-habaynta iyo xoojinta Ciidanka Xoogga Dalka.
"Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habaynta iyo horumarinta Ciidanka XDS, taas oo ujeedku yahay si loo helo ciidan leh awood, kana jawaabi kara waajibaadka amni iyo difaaca ee dalka." Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa sidoo kale lagu yiri "Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay muhiimadda wada shaqaynta, midaynta juhdiga Talisyada, hoggaanada & hirgelinta qorsheyaasha lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca qaranka."
Kulankan ayaa noqonayo kiisii labaad ee ceynkiisa ah ee uu shir guddoomiyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, tan iyo markii uu xilka la wareegay 4-tii bishan.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa xilka loo magacaabay 29-kii bishii January, isagoona bedelay General Odawaa Yuusuf Raage oo laba jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.













