Taliye ciidan oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

Allaha u naxariistee Taliyihii Ururka 2aad, Guutada 25aad (Cumar Binu Khadaab) ee Ciidanka Xoogga Dalka, Captain Maxamed Axmed Abshir Nuure iyo 5 askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamo uu hoggaaminayo Taliyaha oo ka ambabaxay Xerada Maslax ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay kala shakiyeen ciidan kale oo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka oo fariisimo ku leh duleedka deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolkaasi.
Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan hawlgalo looga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidamada ayaa hal saac oo xiriir ah ku dagaalamayay deegaankaasi, hor intii aanay soo kala dhex gelin Saraakiil ka tirsan Guutada 4aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Ku dhawaad 10 askari oo kale oo dagaalka ku dhaawacmay ayaa dhaawacooda loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
Ciidanka Guutada 25aad ee Cumar Binu Khadaab ayaa dhawaan la dejiyay Xerada Maslax, ka dib markii ay tababar ku soo qaateen dalka Masar.
Isku dhaca ciidamada ayaa imaanaya, xilli Ciidamada Militariga ay dhaqdhaqaaq ciidan iyo abaabul dagaal ka wadaan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug. Ciidamada ayaa u diyaargaroobaya wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidamada ku sugan Gobolada Dhexe ayaa la sheegay in heegan la geliyay, si ay uga feejignaadaan suurtagalnimada weeraro xilligan uga iman kara maleeshiyadaasi.


