Taliye Sahal Cabdullaahi oo Baydhabo u jooga xoojinta amniga

General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo weli ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa magaaladaasi u jooga xoojinta amniga iyo isku xirka Ciidamada Qalabka Sida.

Taliyaha ayaa magaalada kaga qaybgelaya kulamo looga hadlayo amniga iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay u qaadi lahaayeen hawlgal wadajir ah, oo daafaha magaalada looga fogeynayo ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in ciidamada u daacadda ah Laftagareen ay ku kulmeen maleeshiyada Al Shabaab, eedeymahaas oo mucaaradka uu Laftagareen hoggaamiyo ay beeniyeen.

Hawlgalka wadajirka ah ee la qorsheynayo ayaa ah mid la isku-dubaridayo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta iyo Birmadka Koonfur Galbeed, si loo adkeeyo amniga Baydhabo, loona sugo deegaanada ku teedsan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Sabtidii gaaray Magaalada Baydhabo ayaa geeyay agab ciidan oo loogu talagalay ciidamada.

Taliyaha ayaa Axaddii shalay kormeeray ciidamada isku dhafka ah ee fariisimaha iyo difaaca ku leh afaafka hore ee magaalada.

General Sahal Cabdullaahi iyo Saraakiisha kale ayaa diiradda saaraya in laga hortago weerarada laga soo abaabulo bannaanada magaalada ee ay ku lugta leeyihiin taageereyaasha Laftagareen.