Tallaabada meesha looga saaray Laftagareen oo cawaaqib ku yeelan karta Axmed Madoobe

La wareegitaanka Militariga Somaliya ee Magaalada Baydhabo iyo ridistii Maamulkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa waxay firfircooni dheeraad ah siin kartaa Dowladda Federaalka, si ay u qaaddo tallaabo dheeraad ah oo dalka ay ku gaarsiineyso doorasho qof iyo cod.

Dowladda Federaalka ayaa gebi ahaanba diiday natiijada doorashadii Sabtidii ka dhacday Baydhabo ee dib loogu soo doortay Madaxweyne Laftagareen iyo Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taas oo daba socotay illaa laba guuto oo Militariga Somaliya uu u dhaqaajiyay dhinaca magaaladaasi, si shacabka Soomaaliyeed loogu muuiyo inaanu qarankan ogolaan karin in dib loogu laabto doorashadii dadbaneyd ee muddada dheer lagu soo caano maalaayay.

Dowladda Madaxweyne Xasan Maxamuud waxaad hadda arki kartaa in ay maareysay khilaafkii siyaasadeed ee bishanba kala dhaxeeyay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaase jira khilaaf kale oo weli miiska saaran, kaas oo ah midka Villa Somalia kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Tallaabada meesha looga saaray Madaxweyne Laftagareen waxay keeneysaa in hoos loo eego masiirka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo inay dadku isweydiiyaan suurtagalnimada in guutooyin kale oo Ciidanka Xoogga Dalka ah la gayn karo Magaalada Kismaayo, si uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu adkeeyo in dalku uu aadayo doorasho toos ah.

Jubbaland waxay bishii November ee sanadkii 2024 qabatay Doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, laakiin wax sharciyad ah kama haysato Dowladda Federaalka, iyada oo Axmed Madoobe u aqoonsan hoggaamiye hore, sharci darrana ku tilmaamtay dib u doorashadiisii saddexaad.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre waxay labaduba ay Axmed Madoobe ku eedeeyeen in uu ballanta uga baxay, isla-markaana uu diiday siyaasaddii qaran ee lagu mideynayay Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ku imanayay doorasho qof iyo cod.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa Sabtidii Muqdisho ka sheegay in laga yimid doorasho dadban, taas oo macnaheedu yahay in loo baahan yahay mid ka duwan doorashadaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la aaminsan yahay in uu bixiyay amarka ay militarigu ku qabteen Baydhabo, iyadoo Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay ku baaqayeen in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka biyo diidanaa in laga tanaasulo go'aanka siyaasadeed ee dowladdiisu ay dalka ku gaarsiineyso doorasho ay dadweynuhu codkooda wax ku soo dooranayaan.

In muddo ahba wuxuu buuq xoog leh ka taagnaa nooca doorasho ee dalka laga qabanayo sanadkan 2026, mana jirto wax doorasho ah oo illaa iyo hadda ay heshiis ku yihiin Madaxda Qaranka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland.