Talyaaniga oo gaadiid ciidan ugu deeqay Dowladda Somaliya
Dowladda Talyaaniga ayaa gaadiidkan ugu tala-gashay in ay kaga qayb qaadato dadaalada dib u soo celinta ee xasilloonida Somaliya.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa gaadiidkan kula wareegay munaasabad ka dhacday Xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Magaalada Muqdisho.
Safiirka Talyaaniga ee dalka, Danjire Alberto Vecchi ayaa sheegay in Rome ay ka jawaabeyso codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Talyaaniga u jeediyay, ee ahaa in dowladdiisa ka taageeraan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo 10-kii bishii February Caasimadda Rome kula kulmay Wasiirka Difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto ayaa ka codsaday in dowladdiisa ay ka gacan siiyaan dagaalkan ay dooneyso inay ku wiiqdo maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa xilligaasi sheegay in nabadda iyo xasilloonida Somaliya ay aasaas u tahay nabadda gobolka iyo tan adduunkaba, ayna tahay in dowladdiisa lagu garabsiiyo, sidii ay dalka uga ciribtiri laheyd kooxaha argagixisada.
General Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay deeqdan.
















