Tirada dadka ka barakacaya Magaalada Baydhabo oo aad u kordheysa

Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in dad fara-badan ay isaga barakacayaan magaaladaasi.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in mashquul iyo ciriiri uu ka jiro boosteejooyinka laga raaco gaadiidka ka baxa magaalada ee aada deegaanada hoostaga iyo weliba Caasimadda Muqdisho.
Mashquulka badan ee ka jira goobaha gaadiidka ee Baydhabo ayaa waxa uu la xiriiraa cabsi iyo xaalad amni oo ka dhashay loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka cusub iyo hoggaankii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada ayaa dad badani ku riixay inay go'aansadaan in ay isaga barakacaan.
Dadka reer Baydhabo ee ka baxaya magaalada ayaa kuu sheegaya in aan la joogi karin magaalada, maadaama dhaqdhaqaaqyada ka jira magaalada iyo hareeraheeda ay tusinayaan in uu dagaal kale soo socdo.
Inkastoo aan tira-koob sax ah laga ahayn dadka illaa iyo hadda ka baxay magaalada, haddana waxaa sii yaraanaya joogitaanka shacabka ee xaafadaha magaaladaasi.
Magaalada Baydhabo oo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku shaqeyso ayaa waxaa si weyn u saameeyay xiisadaha siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka dhashay is bedelkii maamul iyo amni ee ay Dowladda Federaalka 30-kii bishii March ka sameysay magaaladaasi. Is bedelkaas ayaa bilow u ahaa dhismaha maamul cusub oo dadka reer Koonfur Galbeed ay yeeshaan.
Hase yeeshee tallaabada meesha looga saaray maamulkii uu madaxda ka ahaa Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa hurisay khilaaf aad mooddo in uu sii daba dheeraanayo iyo kala qaybsanaan ciidan oo cawaaqib ku yeeshay nolosha iyo amniga bulshada iyo xitaa mustaqbalka Maamulka Koonfur Galbeed.


