Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaadaha ka jira dalka oo korortay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ay gaysanayaan daadadka ka dhashay roobabka ka da'aya dalka iyo fatahaadaha ay gaysanayaan Webiyada Shabelle iyo Jubba.

Gudoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in tirada dhimashada ay hadda gaartay 50 qof.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in daadadka iyo fatahaadaha is biirsaday ay ku barakaceen ku dhawaad toddobo boqol oo kun (700,000) oo qof, halka ay si guud u saameeyeen dad gaaraya qiyaastii hal dhibic afar milyan (1.4M) oo qof.

Gudoomiyaha Hay'adda SODMA ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isu gurmadaan, si looga maarmo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye.

Gudoomiyaha ayaa mar kale ka digay in ay baahi karto khatarta xilligan ka jirta dalka, isagoona bulshada ugu baaqay in ay taxadaraan.

Roobabka mahiigaanka ah ee ka da'aya Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ayaa ka dhashay isbedelka cimilada adduunka, oo ay sababtay duufaanka El-nino.