Tiro dad ah oo ku geeriyooday fatahaadda Magaalada Beledweyne
Inta la ogyahay, ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday fatahaadda baahsan ee ka jirta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle.
"Tirada dhimashada waa shan qof oo saddex carruur tahay, intaan illaa iyo hadda ka warqabno." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Mar uu ka hadlayay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay fatahaadda Webiga Shabelle ayaa waxa uu yiri "Khasaaraha hantiyadeed dabcan aad ayuu u culus yahay, waad dareemi kartaa Magaaladii Beledweyne oo labadii daamood oo biyaha webiga ay camameen, oo guryihii iyo wax walbaba lahaa iyo beerihii dalaga ku yiilay oo dhul aad u baaxad leh, oo ay biyuhu jareen. Marka khasaaraha hantiyadeed aad buu u culus yahay."
Gudoomiyaha ayaa tirada qoysaska ka barakacay magaaladaasi ku sheegay 245,000 oo qoys, kuwaa oo sida uu sheegay daadsan duleedyada magaalada.
"Dad lagu qiyaasay laba boqol, afartan iyo shan kun oo qoys ayaa magaalada ka baxday, oo daafaha magaalada joogto oo labada geddiba u baxday." Ayuu yiri Gudoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.
Gudoomiyaha oo Sabtidii gaaray magaaladaasi ayaa sheegay in dadka ka barakacay magaalada ay xaalad adag oo nololeed ku wajahayaan goobihii ay u barakaceen.
"Waxaad dareemi kartaa magaaladii ayay ka soo baxeen, bannaan cidlo ah ayay taagan yihiin. Dadku ma haystaan hoy, cunno, goobo caafimaad, ceelashii biyaha laga dhaamin jiray waxaa qaaday daadadkii. Marka nolol aad u liidato ayay runtii ku nool yihiin." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Roobka gu'ga ee ka curtay gobolka iyo biyo xoog leh oo ka soo rogmaday dhanka dalka Itoobiya ayaa sababay in webiga uu ku fataho magaaladaasi.









