Tiro dad ah oo loo qabqabtay qaraxii Beledweyne

Laamaha amniga ee Magaalada Beledweyne ayaa tiro dad ah u soo qabqabtay qaraxii xooganaa ee Sabtidii ka dhacay magaaladaasi.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ayaa ninkii la socday waxa uu isku qarxiyay kontoroolka Horseed, oo lagu canshuuro gaadiidka.
Taliyaha Booliska Beledweyne, Axmed Cali Aadan ayaa sheegay in xubnaha xiran lala xiriirinayo ku lug lahaanshaha qaraxaasi.
"Dadka hadda aan hayno kiiskooda ummadda way ka war haysaa, baaritaankooduna waa socdaa, marka aan warbixin ka soo diyaarino ayaa maxkamadeyn loo samayn doonnaa, hadduu Alle idmo." Ayuu yiri Taliyuhu.
"Xogta qaraxa weli waan uruurinaynaa, baaristeediina waa noo socotaa." Ayuu yiri Taliyaha oo dhanka kale sheegay in gaariga uu ka soo tallaabay dhanka galbeed ee magaalada, gaar ahaan xaafadda Howlwadaag.
"Gaariga gaari xamuul ayuu ahaa, dhanka qoraxsin ayuuna magaalada ka soo galay ee dhinaca xaafadda Howlwadaag, ha ahaatee gaariga bar kontorool ayuu yimid, qof baana damiin ka ahaa. Kontoroolka xaafaddaasi inuu soo dhaafay gaariga ayaan ka war helnay, gaariguna gaari aan warbixintiisu hayno oo aan ku daba jirno ayuu ahaa." Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in gaarigu uu markii dambe si kedis ah ugu qarxay kontoroolka kale ee Horseed ee xaafadda Xaawo Taako, xilli ciidan ka tirsan kuwa Xoogga Dalka la faray inay gacanta ku soo dhigaan gaarigaasi, oo ay halkaasi ku hakiyeen ciidamadii ku sugnaa kontoroolka oo xogtiisa hayay, sida uu yiri.
Axmed Cali Aadan, Taliyaha Booliska Beledweyne ayaa tilmaamay in sidoo kale uu goobta ku geeriyooday ninkii damiinka ka ahaa gaarigaasi ee soo geliyay magaalada. Waxa uu sheegay inay suurtagal tahay in ninkaasi aanu la socon in gaariga uu ku raran yahay walxaha qarxa. Ninkan ayuu sheegay inuu ahaa nin si weyn looga garanayay magaalada, uuna ku shaqeysan jiray gudbinta gaadiidka ganacsiga ee isugu kala goosha Gobolada Dhexe.
"Wuxuu ahaa nin la yaqaano, maadaama Goboladan Dhexe wax la yiraahdo qabbaan ay ka jiraan oo la adeegsado, oo ah in gawaarida ay kala gudbiyaan, waa dad noocaas ah oo sidaas ku shaqeysto." Ayuu yiri Taliyuhu.
Mar uu ka hadlayay tirada dadka ku dhintay qaraxaasi iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay ayaa waxa uu yiri "Dadka dhaawaca ah ee aan xaqiijinay waa 48 qof, dhimashada aan xaqiijinayna waa 34 qof."
Masuuliyiinta ayaa qaraxan ku eedeeyay Al Shabaab, inkastoo aanay illaa iyo hadda sheegan masuuliyadda qaraxaasi.
Qaraxan ayaa noqonaya mid ka mida qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.


