Trump oo sheegay inuu wajahayo go'aan adag oo la xiriira Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadii khudbaddiisii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ku muujiyay laba waddo oo u furan maamulkiisa, si loo soo afjaro dagaalka toddobada bilood ay kula jiraan dalkaasi Iran.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa tilmaamay inuu wajahayo go'aan adag, oo ah inuu heshiis la galo Iran ama uu baabi'iyo dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa Hoggaamiyeyaasha Caalamka hortooda ka sheegay inuu cadaabta u diri doono Iran, iyagoo aan wax fursad ah siinin ama rajo ay ku badbaadi karto.

Trump ayaa ku adkeystay inuusan marnaba u ogolaan doonin Iran inay hesho hubka nuclear-ka.

Trump ayaa dhanka kale xusay inuu aaminsan yahay in Iran ay heshiis la geli karto Mareykanka, marka ay dhammaato doorashada xilliga dhexe Mareykanka ee bisha November.

Inkasta oo hanjabaadda Trump ay ahayd mid kulul, haddana isla shalay wufuud labada dal ah ayaa ku kulmay Magaalada New York.

Ergeyga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa yeeshay kulan saddex saacadood qaatay oo uu dhexdhexaadinayay dalka yar ee Qatar.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulankaasi ku tilmaamay mid aad u wanaagsan.