Turkiga oo markii ugu horreysay Somaliya keenay diyaaradaha T129 Atak

Dowladda Turkiga ayaa Somaliya keentay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee T129 Atak ee lagu farsameeyo gudaha dalkaasi.
Turkiga ayaa toddobaadkan saddex xabo oo diyaaradahan ah ugu deeqay Dowladda Soomaaliyeed, ka dib wada hadalkii khadka teleefanka ee Sabtidii dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Wararka ayaa sheegaya in Turkigu uu laba ka mid ah diyaaradahan ku wareejiyay Ciidanka Badda Somaliya, taasoo qayb ka ah heshiiskii iskaashiga difaaca ee labada dal ee la saxiixay sanadkii hore.
Labada dowladood ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 gaaray heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha oo soconaya muddo 10 sano ah, kaas oo Dowladda Federaalka looga caawinayo amniga dalka.
Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ah in Ankara ay dib-u-dhisto Ciidanka Badda, si Somaliya looga taageero amniga iyo ilaalinta xeebaheeda.
23-kii bishii April ee sanadkii hore ayaa waxaa Dekedda Magaalada Muqdisho ku soo xirtay markabka dagaalka ay Ciidanka Badda Turkiga leeyihiin ee lagu magacaabo TCG Kınalıada, waxaana la socday Saraakiil Turkish ah oo xilligaasi sheegay in ay tababari doonaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyagoona horudhac u ahaa dhaqangelinta heshiiskaasi.
Bartamihii bishii April ee sanadkan ayuu sidoo kale uu Turkigu ciidan gaaraya 400 illaa 500 oo askari uu u soo diray Muqdisho. Askartan ayaana la sheegay in ay horudhac u yihiin 2,500 oo askari oo qorshuhu yahay in Ankara ay keento dalka.
Ciidamadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, sugidda amniga ee goobaha uu Turkigu ka sameynayo howlaha sahminta & shidaal baarista iyo mashaariicda ay Ankara ka fulineyso dalka.
Dowladda Madaxweyne Erdogan ayaa xoojisay taageeradeeda Villa Somalia, xilligan oo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay dagaal adag kula jirto Al Shabaab.
Shabaabka ayaa billihii u dambeeyay degmooyin iyo deegaano ka qabsaday Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose, waana Gobolada Shabellooyinka oo darafyada kaga yaala Caasimadda Muqdisho.