Turkiga oo Warbaahinta TRT ku soo kordhiyay Laan la hadasha Afrika
Dowladda Turkiga ayaa Warbaahinta caalamiga ee TRT World ku soo kordhisay qayb cusub oo la hadli doonta shacabka Afrika, ka dib munaasabad ballaaran oo Jimcihii lagu qabtay Magaalada Istanbul.
Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa'uud Aweys Jaamac iyo Madaxa Golaha Warbaahinta Turkiga, Prof. Fahrettin Altun ayaa si rasmi ah u daahfuray Laanta cusub ee lagu soo kordhiyay Warbaahinta TRT World.
Laantan cusub oo loogu magac-daray (TRT Africa) ayaa la hadli doonta illaa 400 milyan oo daawadayaal oo ku dhaqan Qaaradda Afrika iyo dalalka dibadda.
TRT Africa ayaa baahin doonta barnaamijyo isugu jira arrimaha siyaasadda, ganacsiga, fanka, dhaqanka, sayniska & tiknoloojiyadda, dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Yegleelidda Laanta TRT Africa ayaa qayb ka ah qorshaha Ankara ay ku xoojineyso xiriirka Turkiga iyo dalalka Afrika, oo sanadihii ugu dambeysay aad u xoogeysanayay.
Somaliya ayaa ugu horreyso dalalka qaaradda ee xiriirka dhow la leh Turkiga, iyadoona shacabka Soomaaliyeed ay ka faa'iideysan karaan barnaamijyada ka bixi doona Laanta TRT ee la hadleysa Afrika.
Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa bogaadiyay xiriirka sii xoogeysanaya ee Afrika iyo Turkiga.
Somaliya ayaa Turkiga la leh iskaashi xoogan oo dhanka diblomaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo militariga, iyadoona Turkigu uu Muqdisho ku leeyahay Safaaraddiisa ugu weyn ee dunida iyo weliba saldhig militari.
Si kastaba ha-ahaatee hirgelinta Laanta TRT World ee Afrika ayaa qayb ka ah dadaaladii ugu dambeeyay ee Turkiga ku ballaarinayo saameyntiisa siyaasadeed iyo dhaqaale ee qaaradda.









