Ugaas Kaahiye Cali: Galmudug halkii biyaha ay dadku ka cabaan, dhiig baa laga cabaa

Ugaas Kaahiye Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa la yaaban mowjadaha dilalka aanooyinka beelaha ee ka socda deegaanada Galmudug.

Ugaas Kaahiye Cali ayaa wax argagax leh ku tilmaamay kororka dilalka beelaha dhexdooda ah, isagoo daba jooga labadii nin ee ugu dambeeyay ee Jimcihii aanada qabiil loogu dilay meel u dhow deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud, iyadoo aysan jirin wax ay galabsadeen, laakiin keliya loo dilay heybtooda.

"Waa fal runtii argagax, calool xumo iyo murugo leh dad Soomaaliyeed oo qabiil isku dilayo, waana cambaareynaynaa, mana soo dhaweynayno. Waxaan u hiilinaynaa nabadda, nolosha, is dhex marka iyo derisnimada." Ayuu yiri Ugaas Kaahiye Cali.

Waxa uu sheegay in dhiiggu uu deegaanada Galmudug ka noqday, sida biyaha la cabo oo kale, taasoo uu la yaaban yahay.

"Galmudug halkii biyaha ay dadku ka cabaan, dhiig baa laga cabaa. Baraagaha dhiig baa ka buuxa, motoorkii dhulka lagu waday dhiig buu soo saaraa inta dhiiggii ka batay, qolfadaha dhiig baa ku jira, dadka gacmahooda dhiig bay wada leeyihiin, jeebabka iyo qalbiga dhiiggaa ugu wada jira, calooshana dhiig." Ayuu yiri Ugaas Kaahiye Cali.

Ugaaska ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay "Waxaan leeyahay Ilaahay ka baqa, intaadnaan dhimanin Ilaahay u towbad keenna, adduun iyo aakhiraba waa la idiin xisaabinayaa. Ilaahay hortiisa ayaa tageysiin, qabiil ma jirayo, maal iyo awood ma jireyso. Marka aakhiro ku xisaabtama."

Ugaas Kaahiye Cali oo sii hadlayay ayaa yiri "Dadka caqliga u saaxiibka ah sida Culima'udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Galmudug, Bulshada Rayidka iyo Saraakiisha Ciidamada iyagana waxaan leeyahay idinka ayaa la idiin weydiinayaa qiyaamaha, idinka ayaana la idiin kula xisaabtamayaa oo dadka idiinkaa hoggaamiyeyaal u ehee, inta aad isku timaadaan dadka gacan ku dhiigleyaasha ah ha la qisaaso oo ha la dilo, si aan qof kalena loo dilin, qabiilna qof loogu dilin."

Dilalka ay gaysanayaan maleeshiyaadka qabaa'ilada ee hubeysan ayaa muddooyinkanba ku soo badanayay Gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyadoona dhacdooyinka ugu badan ay ka dhaceen Galgaduud.

Dilalkan salka ku haya aanooyinka beelaha oo aan la garaneyn cidda hurineysa ayaa waxaa kordhaya xiisadaha ay abuurayaan, marka aad eegto in dadku ay carro ka muujinayaan in la dilo dadkooda oo aan cidina wax dembi ah ka gelin.