UNHCR oo sheegtay in illaa 12,500 oo qoys ay ku barakaceen dagaalka Muqdisho

Hay'adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 12,500 oo qoys ay ku barakaceen iska horimaadyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Hay'adda UNHCR ayaa bayaan ay saacadihii dambe ee Jimcihii soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen dagaalka, 189 kalena ay ku dhaawacmeen.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in dagaal xoogan uu fiidnimadii 3-dii bishan uu magaalada ku dhex maray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ciidamo taabacsan Siyaasiyiinta Mucaaradka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan ilaalin la'aanta dadka rayidka ah.
Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalku uu ka bilowday agagaarka Isgoyska Dabka, ka hor inta uusan ku fidin goobo ay dadku ku badan yihiin, sida Degmooyinka Howlwadaag, Hodan, Wardhiigley, Cabdicasiis iyo qaybo ka mid ah Degmada Kaaraan.
Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in dadka rayidka ah ay awoodi waayeen in ay ka barakacaan dhowr goobood, intii uu dagaalku socday, taasina ay kordhisay waxyeelada rayidka.
UNHCR ayaa sheegtay in dagaalku uu saameeyay haween, carruur, dad da' ah, dadka naafada iyo xubnaha kale ee nugul ee leh baahiyo ilaalineed oo gaar ah.
Bayaankan ayaa waxaa si wadajir ah u diyaariyay UNHCR, Protection of Civilians (PoC) iyo Norwegian Refugee Council (NRC).
Hay'adahan ayaa ka digay in kororka rabshadaha ee magaalooyinka ay dadku ku badan yihiin ay abuureen xiisad ilaalin la'aan oo dhinacyo badan, oo leh khataro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxyeelada xaafadaha la degan yahay, kaabeyaasha rayidka, xaaladaha hoyga oo aan ammaan ahayn iyo hoos u dhac ku yimid helitaanka gargaarka bani'aadantinimo.
Bayaanku wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan waajibaadka lagu kala saaro rayidka iyo dagaalyahanada, ilaalinta kaabeyaasha danta guud iyo fududeynta helitaanka badbaadada bani'aadantinimada.


