Wada hadaladii Dhuusamareeb oo aan wax horumar ah laga samayn

Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa isku diyaarinaya in uu dib ugu laabto Magaalada Muqdisho, ka dib markii aan wax horumar ah laga samayn wada hadaladii uu maalmahaanba Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu kula lahaa Magaalada Dhuusamareeb.
Agaasimaha Hay'adda NISA oo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii gaaray Dhuusamareeb, si uu u riixo dadaalada xalka loogu raadinayo khilaafka hareeyay Doorashooyinka Galmudug.
Agaasimaha NISA ayaa muddada uu ku sugnaa magaalada waxay dhowr jeer is arkeen Madaxweynaha Galmudug, kaas oo ay ka wada hadlayeen jihada uu maamulku aadayo.
Wada hadalka labada dhinac oo bilowgii khuseeyay, sidii xal looga gaari lahaa is maandhaafka Villa Somalia iyo Madaxtooyada Galmudug ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee maamulaya doorashada soo socota ee maamulka iyo geeddi-socodka doorashadaasi ayaa weji kale yeeshay, ka dib markii Mahad Salaad uu Hoggaamiyaha Galmudug u soo bandhigay in uu ka tanaasulo tartanka dib u doorashadiisa.
Wararka ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyay ay wada hadaladu ku socdeen si gaabis ah, ka gadaal markii Madaxweynaha Qoorqoor uu ku dhegay inaanu ka tagi doonin in uu mar labaad u tartamo xafiiska.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Mahad Salaad iyo Qoorqoor ay kala taggeen, iyadoo aan wax is faham ah laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoorqoor ee soo jiitamayay, illaa horaantii bishii May.
Qoorqoor ayay wararka sheegayaan in uu Mahad Salaad u gudbiyay farriin uu Madaxda Qaranka ugu sheegayo in ay u diyaargaroobaan doorasho hufan, heshiis lagu yahay, loona dhan yahay in laga qabto deegaanada Galmudug.
Qoorqoor ayaa waxa uu ogyahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Liibaan Axmed Xasan uu u doonayo in uu noqdo Hoggaamiyaha Galmudug, isla-markaana uu Qoorqoor ka hortagayo in Galmudug laga qabto doorasho la mid ah middii dhawaan ka dhacday Koonfur Galbeed.
Lama oga tallaabada xigta ee ay Dowladda Federaalka qaadi doonto, waxaase laga cabsi qabaa in ay fara-gelin militari ku sameyso maamulka.
Si kastaba ha-ahaatee, inkastoo Mahad Salaad uu isku diyaarinayo inuu ku laabto Muqdisho, haddana waxaa suurtagal ah in uu ku sii yara hakado Dhuusamareeb.


