Wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamaareeb

Wafdigan oo isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Koofi Casta ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigan oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ayaa qaban-qaabinaya kulamo lagu wado in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magaaladaasi kula qaato qaybaha bulshada.

Saraakiisha iyo Ciidamada Koofi Casta ayaa xaqiijin doona amniga goobta uu degayo Madaxweynaha iyo goobaha kale ee lagu wado in uu kula kulmo dadka deegaanka.

Ciidamada amniga Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa si weyn u adkeeyay amniga magaaladaasi, iyadoona ciidamo la dhigay waddooyinka soo gala magaalada.

Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo Arbacadii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku hoyday magaaladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in Jimcaha ama Sabtida uu midkood gaaro Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Madaxweynaha ayaa la sheegaya in Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixeysa dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan oo ka jira deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, lana xiriira wejiga labaad ee hawlgalka.