Wafdi ka socda Itoobiya oo gaaray Magaalada Muqdisho

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Difaaca Itoobiya, Aisha Mohammed ayaa maanta ka degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa Caasimadda Muqdisho kulamo kula leh Madaxda Dowladda Somaliya, waxaana uu imaanshahooda daba socdaa safar ay toddobaadkii hore wafdi ka socda Somaliya ku taggeen dalkaasi Itoobiya.

Labada dal ayaa xoojinaya heshiiskii ay 11-kii bishii December ku gaareen dalka Turkiga, ka dib 11 bilood oo xiisad diblomaasiyadeed ah oo ka dhalatay heshiiskii is afgaradka badda ee ay Itoobiya la gaartay Somaliland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdiga Itoobiya ay haatan Muqdisho u yimaadeen, sidii ciidamadooda ay qayb uga noqon lahaayeen Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Inkastoo waqtiga Hawlgalka AUSSOM ee dalka uu bilowday 1-dii bishan, maadaama muddada Hawlgalka ATMIS uu ku ekaa 31-kii December, haddana illaa bisha June ayay tahay in dalalka Midowga Afrika ay ciidamada cusub ugu soo diraan Somaliya. Taliska Midowga Afrika ayaa laga dalbaday inay sii joogteeyaan shaqada, illaa laga gaarayo 30-ka bishan oo la dhameystirayo bedelka Ciidanka ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM.

Tirada Ciidanka AUSSOM ayaa noqon doona 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040, kuwaa oo Ciidanka Xoogga Dalka ka taageeri doona la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa horey uga hortimid in Militariga Itoobiya ay qayb ka noqdaan hawlgalka cusub ee AUSSOM, illaa iyo inta ay Itoobiya ka laabaneyso xadgudub ay ku eedeysay inay ku soo sameysay madaxbannaanideeda. Somaliya ayaa u madaxbannaan inay xulato dalalka Midowga Afrika ee ay tahay inay ciidamadooda ka mid noqdaan hawlgalkan.

Ilaha ku dhow dhow labada xafiis ee dalka ugu sarreya iyo Wasaaradda Gaaashaandhigga ayaa sheegaya in Addis Ababa ay codsatay in ciidamadeeda ay qayb ka sii ahaadaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Ilahan ayaa sheegaya in kulamada ka qabsoomaya Muqdisho lagu jeexjeexi doono, sida ay ciidamadaasi uga mid noqon karaan AUSSOM, inkastoo ay caqabad ka jirto tirada yar ee askartaasi iyo dalalkii ay horey ciidamada uga joogeen dalka iyo Masar oo doonaya inay qayb ka noqdaan Hawlgalka AUSSOM.

Sida ay labada dal arrintan u xaliyaan ayay dadka qaarkii u arkaan inay ka caawin doonto xiriirka ay isku dayayaan inay dib u hagaajiyaan.

Ma cadda muddada ay wafdiga Itoobiya joogi doonaan dalka, iyadoo aysan welina Dowladda Federaalka ka hadlin.

Aisha Mohammed ayaa waxaa safarkeeda Muqdisho ku wehlinaya xubno ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Taliye Kuxigeenka Hay'adda Sirdoonka.