Wafdi ka socda Yurub oo booqday Xarunta Ilaalada Xeebaha Booliska Soomaaliyeed

Wafdigan oo ka socday Baarlamaanka Midowga Yurub, oo ay horkaceysay Nathalie Loiseau ayaa maanta kormeeray Xarunta Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo ay wehlinayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayuu ujeedka kormeerkooda uu ahaa inay soo qiimeeyaan horumarka Somaliya ee dhanka Booliska Ilaalada Xeebaha, oo Midowga Yurub uu Dowladda Federaalka ka taageero dib-u-dhiskooda iyo tayeyntooduba.

"Sare u qaadista iyo xoojinta taageerada la siiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doonto nabad ku soo dabaalidda dalka Somaliya iyo horumarinta adeegyada Booliska Soomaaliyeed uu siiyo bulshada ku dhaqan dalka." Ayay ku warantay Warbaahinta Qaranka.

Midowga Yurub ayaa Caasimadda Muqdisho ku leh xero lagu tababaro Ciidamada Dowladda Federaalka, tani oo qayb ka ah Hawlgalka Midowga Yurub ee Somaliya, iyadoona ay tababaradan bixiyaan Saraakiil ciidan, oo ka kala socda dalalka Midowga Yurub.