Wafdi ka socdo Garaadada Gobolka Sool oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socdo Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Sool ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoona uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), Xildhibaano iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa odayaasha ku soo martiqaaday Magaalada Muqdisho, si bal wada hadal nabadeed looga dhex bilaabo Somaliland iyo dadka reer Sool, oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ku dagaalamayay Magaalada Laascaanood.

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay soo dhaweynta odayaashaasi ayaa uga mahadceliyay inay aqbaleen martiqaadkii Madaxweynaha.

"Sharaf weyn bay inoo tahay maanta inaan idinku soo dhaweyno dalkiinnii, Caasimaddii Muqdisho, Xaruntii Dowladda Soomaaliyeed. Sharaf weyn bay inoo tahay inaan idinku soo dhaweyno, idinkuna aad aqbashaan wicitaankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri "Waxaan leenahay Garaad soo dhawaada, waxaan rajeynaynaa socdaalkiina iyo howshiina inay guuleysato. Waxaad timaadeen meel Soomaalinimada laga jecelyahay, waxaad timaadeen goobtii midnimada."

Wasiir Fiqi ayaa intaasi ku daray "Deegaanadii aad ka timaadeen idinkaa ka warbixin doona, way dhibanaayeen dadka meeshaas jooga, waana la soconaa. Dad badan baa ka barakacay, guryo iyo hanti badan baa dhibaato badan gaartay, Dowladda Somaliya mowqifkeediina horaan u caddeynay."

Waa markii ugu horreysay oo Caasimadda Muqdisho ay soo gaaraan wafdi ka socda Garaadada Gobolka Sool, tan iyo intii uu dagaalku ka bilowday Magaalada Laascaanood.

Dagaalka Laascaanood oo qarxay 6-dii bishii February ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof, iyadoo boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen, halka dadkii magaalada deganaana ay daafaheeda ku barakaceen. 

Tan iyo xilligaasi xaalad hubinti la'aan ah ayaa ka jirtay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, iyadoona ay guuldareysteen dadaalo dhowr ah oo lagu doonayay in xaaladda lagu qaboojiyo.