Wafdiga Iran oo ka dhoofay Magaalada Islamabad, iyaga oo aan sugin wafdiga Mareykanka
Wafdiga Dowladda Iran ayaa gelinkii dambe ee maanta isaga tegey Magaalada Islamabad, iyaga oo aan sugin wafdiga Mareykanka ee sida la sheegay imanaya magaaladaasi.
Wafdiga Tehran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa ka ambabaxay Islamabad, ka dib shirar her sare ah oo maanta oo dhan ay la lahaayeen Madaxda Pakistan.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiir Araghchi uu Saraakiisha Pakistan gaarsiiyay ajandaha Dowladda Iran ay u aragto in lagu soo afjari karo xiisadda kala dhaxeysa Mareykanka iyo colaadda Bariga Dhexe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Araghchi uu diiday baaq uu Mareykanka u soo marsiiyay Islamabad, kaas oo Washington ay ku dalbaneysay kulan fool ka fool ah oo dhex mara labada dhinac.
Dhanka kale Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa bogaadiyay kulanka uu la yeeshay Araghchi, isagoona ku tilmaamay in uu ahaa kulan si diiran la isugu dhaafsaday aragtiyaha la xiriira xaaladda hadda ka jirta gobolka.
"Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay danaha labada dhinac, oo ay ku jirto xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Pakistan iyo Iran." Ayuu yiri Raysal Wasaare Sharif.
Mr. Araghchi iyo wafdigiisa ayaa la sheegaya in ay u ambabaxeen Magaalada Muscat, ka dibna ay uga sii gudbi doonaan dhinaca Magaalada Moscow.





