Wararkii ugu dambeeyay barnaamijka dayn-cafinta ee dalka
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Khamiistii lagu soo geba-gabeeyay shir afar cisho magaaladaasi uga socday Wasaaradda Maaliyadda Somaliya iyo Hay'adda IMF. Shirka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay hannaanka dayn-cafinta ee dalka
Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in shirku uu ahaa mid si dhow dib-u-eegis loogu sameynayay waxa ka fulay shuruudihii ku horgudbanaa barnaamijka dayn-cafinta ee dalka.
"Shirka ayaa lagu lafa-gurayay geeddi-socodka dib-u-habaynta dhaqaalaha Somaliya, oo runtii maraya meelihii ugu dambeeyay ee dayn-cafinta." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa yiri "Shirkani wuxuu ahaa qiimeyntii, malaha mid uun ay ka dambeyso oo noqon doonta bisha September, kuwii ugu dambeeyay weeye ee lagu eegayay halka aan marayno geeddi-socodka ee dayn-cafinta iyo dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka."
Wasiirka oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa yiri "Runtii wuxuu ahaa shir ballaaran oo mawaadiic waaweyn oo dhaqaalaha dalka ku saabsan, ha noqoto kobaca dhaqaalaha, ha noqoto maamulka maaliyadeed ee dalka, ha noqoto nidaamka dib-u-habayntu sida uu u socdo ee casriyaynta dhaqaalaha iyo inaanu buuxino, mar walba waxaanu taaganahay geeddi-socodkaasi shuruudo iyo halbeegyo cusub, sida aanu markaasi u dhameystirnay halbeegyadii la naga rabay, xilligan isaga ahna ku beegnaa, kuwaa oo isugu jira dhinaca miisaaniyaddeenna oo maanta Baarlamaanka hortaalla, oo aanu ku dhimayno kharashaadkeenna aan ku koontoroolayno, si loo ilaaliyo dheelitirka dhaqaale ee kharash-bixinta iyo dhakhliga, ha noqoto nidaamka dib-u-habaynta ee canshuuraha oo meel wanaagsan maraya, isla-markaana aanu isla garanay sidii loo casriyayn lahaa, looguna mideyn lahaa dalka iyo sida xisaabaadka dhaqaale ee dalka loo mideyn lahaa, ayna u noqon lahaayeen kuwo heer qaran ah."
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Shirka waxaa aad loogu lafa-guray daymaha lagu leeyahay dalkeenna ee dibadda ah, heerka aanu marayno, inta heshiis aanu la galnay iyo inaanu gaarnay shuruudihii la inooga baahnaa in boqolkiiba sideetan (80%) ay gaarto in daymaha aanu dib-u-habayn ku sameyno ama cafis aanu ku gaarno ama dib-u-dhigisba aynu ku gaarno, taasoo runtii meel wanaagsan inoo maraysa."
Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ayaa intaasi raaciyay "Marka guud ahaan, marka la iskusoo duubo runtii wuxuu marayaa meel geba-gabo ah, taas oo aad loogu lafa-guray waxyaabaha marka aanu dayn-cafiska ka baxno, sida uu qorshuhu yahay dhammaadka bisha November inaanu ka fekerno waxa ka dambayn doona nidaamka dib-u-habaynta dhaqaale aynu kula jirno Hay'adda IMF iyo sida dhaqaalaha Somaliya uu isu taagi doono ama uu ku sii socon doono muddadaasi ka dib, maxaa inooga qorsheysan markaanu dayn-cafiska ka baxno? Taas oo inooga baahan inaanu dib-u-habayn ballaaran ku samayno nidaamkeenna dhaqaalaha."
Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa horkacaya hindise bilow ah oo la doonayo in Somaliya lagaga dhaafo shan meelood afar meel amaahda lagu leeyahay dalka oo gaareysa 5 bilyan oo dollar, inkastoo weli ay caqabado jiraan.
Kororka wax soosaarka gudaha, xoojinta maamulka maaliyadda iyo adeegyo wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed ay helaan ayaa muhiim u ah horumarinta istiraatiijiyadda dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sii wadidda dhismaha dowladnimada dalka.






