Wararkii ugu dambeeyay ciidamada oo hawlgalo ka wada aagga deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisley ayaa hawlgalo ka wada afaafka hore deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud.

Cowsweyne waxaa Sabtidii ka dhacay dagaal qaraar oo u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii Shabaabku ay fariisimaha ciidamada ku leeyihiin deegaankaasi ku qaadeen weerar ku bilowday laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, uuna xigay dagaal fool ka fool ah.

Shabaabku waxay sheegteen in ciidamadoodu la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, ayna dagaalka ku dileen 178 askari, ha yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadu ay difaacdeen gacan ku haynta deegaankaasi, inkastoo ay qireen in Shabaabku ay dhowr saacadood ka dagaalamayeen deegaankaasi.

Diyaaradaha dagaalka oo ka qayb qaatay dagaalkaasi ayaa la sheegaya in ay caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaadday, oo sida la sheegay gaaray deegaanada Bargaan iyo Jacar.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saakay ay duqayn xoogan ka dhacday difaacyada ay Shabaabku ku leeyihiin deegaanka Bargaan, oo ujeedkoodu yahay in ay ka difaacdaan Degmada Galhareeri.

Ciidamada Miltariga iyo kuwa Macawiisleyda ee hawlgalada ka wada afaafka hore ee Cowsweyne ayaa la sheegaya in qaybtooda hore ay cagta saareen waddada tagta Bargaan.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in ciidamo fara-badan oo goobo kala duwan lagu abaabulay uu u wado deegaanka Cowsweyne.

Ciidamadan ayuu qorshuhu yahay in ay la hawlgalaan ciidan kale oo ka soo socda dhanka Degmada Ceeldheer, kuna wajahan deegaanka Shaway, isla-markaana ay tahay in ay wada qabtaan Degmada Galhareeri. 

Wararku waxay sheegayaan in labada ciidan ay halkaasi uga dhaqaaqi doonaan deegaanka Jacar, oo dhanka galbeed kaga toosan Magaalada Ceelbuur.

Cowsweyne ayaa ku taala goob istiraatiiji ah oo xiriirisa Galhareeri, Ceelbuur iyo Ceeldheer, waxayna ciidamadu la wareegeen maalintii Talaadada oo taariikhdu ahayd 22-kii bishan August.

Wax badan lagama oga khasaaraha uu gaystay dagaalka Sabtidii ka dhacay Cowsweyne, balse ilo ku dhow dhow Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in illaa labaatan askari ay ciidamadu kaga dhinteen dagaalkaasi.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee gobolka ka dhaca, tan iyo intii ay ciidamadu ka bilaabeen gulufka Al Shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug.