Wararkii ugu dambeeyay dad siyaabooyin kala duwan loogu dilay Beledxaawo

Xiisad ayaa ka dhalatay dad siyaabooyin kala duwan shalay illaa saakay loogu dilay gudaha Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo dadka deegaanka ay cabsi soo food saartay.

Xiisaddan ayaa ka dambeysay, ka dib markii nin askari ahaa oo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo si qarsoodi ah ku yimid magaalada lagu dilay gelinkii dambe ee Axaddii.

Maleeshiyaad ku heyb ah askarigaasi oo u aragtay in aano qabiil loo dilay ayaa iyaguna waxay xalay ay xaafadda Farjano ku dileen afar nin, oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin.

Sidoo kale askari ka tirsanaa Saldhigga Booliska Degmada Beledxaawo ayaa waxaa saakay lagu dilay Suuqa Qansax Oomane ee Beledxaawo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Jubbaland, Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi) ayaa xaqiijiyay in dhimashada ay mareyso lix qof iyo dhaawaca qof dumar ah.

Dilalkan ka dhacay magaalada ayaa baqdin ku abuuray dadka deegaanka, waxaana yaraaday dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsigii ka jiray magaalada.

Laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda dadka lagu dilay magaalada ayaa lagu eedeeyay in ay hurinayaan xiisaddan ka soo cusboonaatay Beledxaawo, inkastoo ay jiraan dadaalo xiisaddan lagu dejinayo.

Gudoomiye Al Qaadi ayaa sheegaya inay ka shaqeynayaan, sidii looga hortagi lahaa falal kale oo liddi ku ah amniga oo ka dhaca magaalada, iyagoo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay la xiriireen labada dhinac, isla-markaana ay kala hadleen inaanan looga sii darin xaaladda ka taagan magaalada.

Tani ayaa imaneysa dhowr bilood ka dib, markii magaalada ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ciidamo kale oo taabacsan Jubbaland.

Ciidamada Dowladda ayaa 30-kii bishii July kuwii Jubbaland ka saaray Beledxaawo, iyadoona tan iyo xilligaasi ay qaarkood ku sugan yihiin bannaanada magaalada.

Gudoomiye Al Qaadi ayaa meesha ka saaray in dilalkan ka dhacay magaalada ay la xiriiraan dagaaladii billo ka hor ka dhacay magaaladaasi.

"Arrintan arrin siyaasadihii ama dagaaladii halkaas la isku haayay oo Jubbaland iyo ciidamadii kale ee naga soo horjeeday u dhaxeeyay midna ma ahan. Waa dhacdo si uun siyaabaha ka mid ah ay ku dhacday, oo baaritaankeedii iyo dabagalkeedii iyadoo la wado, haddana sii ballaaratay oo dad kale la dilay, dhibkiina uu sii faafay." Ayuu yiri Al Qaadi.

Al Qaadi ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Marka ma rabno in dhibaatadaas la siyaasadeeyo oo haddana si dhab ah loo wajaho wax ka qabashadeeda."