Wararkii ugu dambeeyay dagaal ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Baardheere

Dagaalkan ayaa daba socday hoobiyeyaal ay saaka maleeshiyada Al Shabaab ku soo tuureen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, taasoo keentay in ciidamadu ay ku baxaan goobihii ay hoobiyeyaashaasi ka soo tuureen.
Ciidamada ayaa Shabaabka dagaal xoogan ku galay afaafka hore ee magaalada, gaar ahaan meel u dhow Buuloweyn iyo Kormarey oo lagu sheegay inay hoobiyeyaasha ka soo rideen.
Wararka ayaa sheegaya inay ciidamadu si buuxda u xaqiijiyeen amniga goobihii lagu dagaalamay, isla-markaana ay ka riixeen maleeshiyadaasi.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamada ay sideed askari kaga dhimatay dagaalka, toddobo kalena ay kaga dhaawacmeen.
Nin Sarkaal ah oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sidoo kale Unversaltv u sheegay in uu arkay meydadka 20 nin oo laga dilay maleeshiyada Al Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Gobolka Gedo ayaa kuu sheegaya in Shabaabku ay ka yimaadeen dhinaca waddada ka timaada Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa, xilli Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar uu maalintii afaraad booqasho ku joogo Baardheere.
Taliyaha ayaa Axaddii Baardheere u tegay, sidii halkaasi looga furi lahaa xero militari oo lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka.
Odayaasha iyo waxgaradka reer Baardheere ayaa la sheegaya in ay diidan yihiin furitaanka xeradaasi, sababtu tahay inay ka walaacsan yihiin Dowladda Federaalka oo aan la isku halayn karin.


