Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo galabta ka dhacay Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay gelinkii dambe ee maanta weerar culus ka gayteen deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Budbud oo hoostagta Degmada Galcad ayaa waxaa horaantii toddobaadkan la wareegay Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka, ka dib muddo dheer oo Al Shabaab ay ka arrimineysay.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, intaasi ka dib maleeshiyada Shabaabka ay dhowr jiho ka weeraray xeradaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay wa xoogaa dib u gurasho sameeyeen, balse gurmad markii dambe gaaray ay suurtagelisay in ay dib ugu laabtaan xeradooda.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, balse waxaa jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyadooda ay cagta mariyeen xeradaasi, isla-markaana ay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh u gaysteen ciidamada. Warka ayaa lagu sheegay in maleeshiyada ay horey xeradaasi uga qaateen gaadiid dagaal, hub iyo saanad kale oo ciidan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalkan ugu dambeeyay ee ka dhacay bariga Gobolka Galgaduud.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa ku warantay in dagaalka lagu dilay 16 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo ay ku jiraan afar horjooge.

Radio SNA ayaa laba ka mid ah magacyada horjoogeyaashaasi ku kala sheegtay Khaliif Gacmey, Madaxii Hawlgelinta Gobolka Galgaduud iyo Cumar Suuley, Madaxii Jabhadda Gobolka Shabellaha Dhexe, isla-markaana ay hoggaaminayeen weerarkii galabta.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay, ee ay Shabaabka gaystaan xilli galab ah, tan iyo intii Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dhawaaqday dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.