Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Degmada Baraawe

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed. Dagaalka oo gelinkii dambe ee Isniintii ka qarxay magaaladaasi ayaa soo gaaray goor dambe oo xalay ahayd.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii askari ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed uu dilay askari kale oo ka tirsanaa Xoogga Dalka, taas oo keentay in Ciidamada Militariga ay weeraraan fariisimihii ay Ciidanka Daraawiishta ku lahaayeen aagga Xarunta Madaxtooyada ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga ay la wareegeen fariisimihii Ciidanka Daraawiishta, isla-markaana ay Ciidanka Daraawiishta dhufeysyo kaga jiraan dhismaha Aqalka Madaxtooyada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen, ugu yaraan 10 ka mid ah labada dhinac, tiro kalena ay ku dhaawacantay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in afar ka mid ah askarta dhimatay ay ka tirsan yihiin kuwa Xoogga Dalka.

Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xarago), Taliyaha Ururka 25aad, Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ayaa Ciidanka Daraawiishta ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin dagaalka ka dhacay magaalo xeebeedkaasi.

Dhanka kale waxaa uu hakad ku yimid isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee Degmada Baraawe, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa labada dhinac ugu baaqay inay xabadda joojiyaan, xaaladdana ay ku soo celiyaan sideedii hore.

"Dagaal mar walbaba khasaare ayuu keennaa, xabadda ay ridayaan ciidamada waxaa loogu talagalay inay cadowga nabadiidka ah ee ummadda dhibaatada ku hayo inay kula dagaalamaan." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa dhankiisa xaqijiyay in ay dagaalka ku dhinteen 10 askari oo ciidamadii dagaalamay ah, isagoo intaa ku daray inaanan illaa iyo hadda la soo sheegin dad rayid ah oo ku waxyeeloobay dagaalkaasi.

"Baaritaan rasmi ah ayaa la samayn doonnaa, sababta ay ku dhacday inay ciidamada dagaalamaan iyo sababta khasaarahaasi keentay, ka dibna tallaabo rasmi ah ayaa laga qaadi doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Dagaalkan ayaa baqdin xoog leh ku abuuray dadka deegaanka, iyadoona la soo sheegayo in xaafadaha qaar ay dadku ka barakacayaan.