Wararkii ugu dambeeyay dagaal dad badani ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawacba sababay, oo goor dambe oo xalay ah ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerar culus ku ekeeyeen xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaanka Makuudo. Makuudo oo ku dhow kontoroolka Carro Gaduudda ayaa laga ilaaliyaa amniga Garoonka Diyaaradaha ee Shaati-gaduud.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay maleeshiyadaasi ka hor istaageen in ay gudaha u soo galaan xeradaas, isla-markaana ay ku khasbeen in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen.
Abaanduulaha Qaybta 60aad ee Xoogga Dalka Dalka, G/dhexe Cali Xabad ayaa sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen weerarkii maleeshiyada Shabaabka.
Abaanduulaha ayaa sheegay in hadafka Shabaabku uu ahaa in ay qalqalgeliyaan amniga Magaalada Baydhabo, ha yeeshee ay si adag uga hortaggeen Ciidanka Xoogga Dalka.
Waxa uu sheegay in dagaalka lagu dilay afar iyo toban ka mid ah maleeshiyadii weerarka soo qaadday, halka afar kalena ay nolosha ku qabteen, sida uu yiri.
Ilo wareedyo ayaase sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan toban ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhaawacyada ciidamada ayaa saakay la dhigay goobaha caafimaadka ee Magaalada Baydhabo.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ay Shabaabku ku soo qaadaan xeryaha ciidamada ku leeyihiin duleedyada Baydhabo, muddo saddex bilood ah.
Weerarku waxa uu imaanaya, xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu sheegay in maamulkiisu uu si weyn ugu diyaargaroobayo wejiga labaad ee gulufka la doonayo in Shabaabka lagaga saaro dalka.


