Wararkii ugu dambeeyay dagaal faraha looga gubtay ka dhacay Masagawaa

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerar saf ballaaran ku qaadeen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaankaasi, oo horaantii sanadkan laga saaray maleeshiyadaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay saakay weerar culus ku ekeeyeen xeradaasi, oo dhawaan la geeyay ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaay, dhowr saacadood oo xiriir ahna uu ka socday deegaankaasi, isla-markaana ay jirto dhimasho badan oo labada dhinac ah, inkastoo aanay tiro rasmi ah sheegin.
Inkastoo aan macluumaad sax ah laga hayn khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi gaystay, haddana labada dhinac ayaa midba midka kale, waxa uu sheegay inay ka dileen tobanaan askari.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay ciidamadu fashiliyeen weerarkaasi, waxay kaloo sheegtay in dagaalka lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, hub ay gaadiid dagaalna ku jiraan dagaalka looga furtay, halka dhankeeda ay sheegtay in saddex askari kaga dhaawacantay.
Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalka ay ku dileen 73 ka mid ah Ciidamada Dowladda, gaadiid dagaal iyo hubna ay dagaalka ku soo furteen.
Si kastaba ha-ahaatee xaaladda Masagawaa ayaa haatan degan, iyadoona ay dib u gurteen maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.
Weerarkan ayaa imaanaya, xilli gobolku uu ka socday abaabul iyo diyaargarow ciidan, oo qorshuhu ahaa in ciidamadu ay kula wareegaan Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.
Weerarkan ayaa sidoo kale noqonaya kiisii labaad oo muddo dhowr cisho gudahood ah ay Shabaabku ku qaadaan mid ka mid ah xeryaha ciidamada. Jimcihii ayay ahayd markii ay weerar cagmarin ah ka gaysteen Xeradii Ciidanka ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.


