Wararkii ugu dambeeyay dagaal qaraar oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe
Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo maanta Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray deegaanka Daaru-nimca, oo hoostagga Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Shabaabka ay dhowr jiho ka weerareen Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee degan deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal la isku riiqmay ka dib ay labada ciidan ka baxeen deegaankaasi, si buuxdana ay ula wareegeen maleeshiyadii soo weerartay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmadyo goobo kala duwan ka baxay ay keentay in dagaal rogaalcelin ah ay ciidamadu dib ugu la wareegaan gacan ku haynta Daaru-nimca.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ay dagaal faraha looga gubtay la galeen Shabaabkii qabsaday deegaankaasi, isla-markaana ay ku khasbeen in ay dib uga gurtaan deegaankaasi.
Dadka deegaanka waxay sheegeen inaanay Shabaabku mahdin weerarka ay duhurnimadii maanta ku qabsadeen deegaankaasi, haddii looga dilay xubno badan oo meydadkoodu ay u suurtagashay inay horey u sii qaataan.
Afhayeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Daa'uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in Shabaab lagu jebiyay dagaalka, isla-markaana ay deegaanka ka baxeen iyagoo uu dhib weyn gaaray.
Afhayeenka ayaa sheegay in illaa afar askari ay ciidamada uga dhinteen dagaalka, tiro kalena ay uga dhaawacmeen.
Deegaankan ayaa waxaa Khamiistii gaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Taliyaha ayaa xilligaasi min hal darajo dalacsiiyay ciidamadaasi, oo uu ku ammaanay in ay ka go'an tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada.
Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo isku dayaya in ay fashiliyaan abaabulka xoogan ee dib uga bilowday deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, ee la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro Gobolada Dhexe.





