Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhacay Degmada Jalalaqsi

Waxaa caawa degan xaaladda Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ka dib dagaal dhowr saacadood socday oo maanta ka dhacay degmadaasi.

Dagaalka ayaa ka dhacay bartamaha Degmada Jalalaqsi, gaar ahaan aagga Saldhigga Booliska, ka gadaal markii ay saakay soo weerareen maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.

Maleeshiyadan ayaa waxay ka carreysan tahay nin la sheegay inuu nabadoon ahaa, kaas oo ciidamadu ay Jimcihii soo xireen, iyadoona maleeshiyadu uu jeedkeedu ahaa in ay saldhigga ka sii daayaan ninkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay dib uga guratay nawaaxiga saldhigga, isla-markaana aysan u suurtagelin in ay ninkaasi xoog ku soo furtaan.

Militariga Jabuuti ee xerada ku leh magaalada ayaa mar ay xabaddu sii qaboobeysay gaaray goobta, taasoo ku tusineysa in ay ka fogaanayeen inay qayb ka noqdaan dagaalkaasi.

Xarigga ninkan ayaa xiisad ka abuuray gudaha magaalada, ka dib markii ay guuldareysteen isku dayo lagu doonayay in dib xorriyaddiisa loogu siiyo.

Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere), Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ninkaasi uu ka mid ahaa, sida uu ku eedeeyay koox nin ka afduubatay magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulku uu ninka odayga ah u soo xiray, si maleeshiyada ay isku heybta yihiin loogu cadaadiyo, si ay u soo celiyaan nin ay ka kaxeysteen magaalada, iyagoo ku marmarsiyoonaya in beesha uu ninkaasi ka dhashay ay dishay nin ay ehel yihiin.

Gudoomiye Nuur Dheere oo goor sii horreysay la hadlay Warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in sharciga lagu tunto.

Inkasta oo xaaladda magaalada ay haatan degan tahay, haddana dadka reer Jalalaqsi ayaa ka cabsi qaba in dagaalku uu dib uga qarxo magaaladaasi, haddii aan la xalin xiisadda ka dhalatay ninka u xiran laamaha amniga.

Dhanka kale dad gaaraya afar qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoo shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay ayaa ah dhinacyadii dagaalamay, lamana sheegin wax shacab ah oo dagaalka ku dhintay.

Gudoomiye Nuur Dheere ayaa caawa sheegay in dhinacooda uu hal askari ka dhintay, saddex kalena ay ka dhaawacmeen.