Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Magaalada Garoowe

Dagaal xoogan ayaa la soo sheegaya in weli uu ka socdo Magaalada Garoowe, iyadoona uu u dhaxeeyo Ciidamada Puntland iyo ciidamo kale oo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka.
Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn uga horyimaadeen qorshihii socday ee wax lagaga bedelayay Dastuurta Puntland, si loo kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadda ee Puntland.
Dagaalka ayaa magaalada ka qarxay wax yar uun ka dib, markii uu furmay fadhi ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku lahaayeen xaruntooda magaalada. Xildhibaanada ayaa kulankaasi kaga doodayay soo jeedintii xukuumadda ee wax ka bedelka dastuurka, taas oo si weyn ay mucaaradka uga biyo diidanaayeen.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in 34 Xildhibaan ay haa ugu codeeyeen wax ka bedelka dastuurka, halka hal Xildhibaan uu diiday, cid ka aamustayna aysan jirin.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dagaalka xoogiisu uu ka dhacay Dhismaha Baarlamaanka, oo ku dhow barxadda weyn ee Garoowe, ciidamada dagaalamayana ay u muuqdaan kuwo hadda magaalada iska la sii baxaya.
Inta la xaqiijiyay ayaa waxaa dagaalka ku dhintay 10 qof oo shacab ah, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay. Dhaawacyo fara-badan ayaa la kala geeyay Isbitaalka Guud ee Garoowe iyo isbitaalka kale ee Qaran.
Wax badan lagama oga khasaaraha kala gaaray ciidamada uu dagaalku u dhaxeeyo, iyadoo illaa iyo haddana aanay labada dhinac ka hadlin.
Dhanka kale magaalada ayaa waxaa ka socda barakac, iyadoona ay dadku isku dayayaan in ay dagaalka ka baxsadaan.
Barakaca ayaa markii hore ku koobnaa xaafadaha la degan yahay ee ku dhow dhow Aqalka Baarlamaanka, waxaase iminka mooddaa in uu ku fiday xaafadaha kale ee ka fog.
Wariyeyaasha ayaa ku soo waramaya in dadku ay gaarayaan xaafadaha ku yaala dhanka bari ee magaalada.
Dagaalka ayaa u muuqdo mid si weyn u saameeyay Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe, iyada oo burbur uu ka muuqanayo dhismayaasha ku yaala aagga Baarlamaanka.
Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa ah mid aad u xididan, waxaana xiran goobaha ganacsiga ee magaalada.
Dagaalkan ayaa hadalhayn xoog leh ka dhex dhaliyay bulshada reer Puntland iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed.


