Wararkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq ka socda Gobolada Dhexe

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa ka soconaya abaabul iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaabulaya ciidamada.
Dhinacyada ayaa sidoo kale abaabulay xoogag deegaanka ah, oo loo diyaariyay in ay ku biiraan gulufka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.
Xoogag deegaanka ah oo ay ku jiraan xertii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa Sabtidii shalay lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Guriceel.
Sidoo kale waxaa jira xer kale oo kuwa Ahlu Sunna ah oo iyana qayb ka ah xoogag deegaanka oo lagu diyaariyay Degmada Wisil, si ay uga qayb qaataan hawlgalka laga sameynayo Koonfurta Gobolka Mudug.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in odayaasha beelaha iyo Maamulada Degmooyinka Galmudug ay weli ku howlan yihiin qorista xoogaga deegaanka ee la doonayo in ay ka qayb qaataan hawlgalka.
Dhanka kale dhaqdhaqaaq aan buurnayn ayaa laga soo sheegaya deegaanada Hirshabelle, inkastoo maamulada la sheegayo in ay ku howlan yihiin abaabulka ciidamada ka qayb qaadanaya gulufka ay tahay in Al Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin Galbeedka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa la sheegay in ay gaareen ciidamo dhawaan laga diray Magaalada Muqdisho, ayna ku biireen hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan xadka labadaasi gobol.
Qorshaha ayaa ah in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay hawlgal ka sameeyaan daanta galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle.
Dowladda Federaalka ayuu ujeedkeedu yahay in marka hore ay cagta mariso Shabaabka Galmudug iyo Hirshabelle, marka xigtana ay ciidamada u dhaqaajiso deegaanada ay maleeshiyadaasi kaga sugan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu salhig ka sameysto Magaalada Dhuusamareeb, si uu halkaasi uga la socdo wejiga labaad ee hawlgalka lagu wiiqayo Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishii January ku hanjabay in dowladdiisu ay muddo sanad ah dalka kaga saari doonto maleeshiyada Shabaabka.


