Wararkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan qaybo ka mida gobolkaasi.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay gaaray Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoostagga, iyagoo qayb ka ah ciidamada loo diyaarinayo in ay hawlgalada ka sameeyeen daanta galbeed ee gobolkaasi.

Ciidamadan iyo qaar ka mida ciidamada ay wada hawlgalayaan ayaa sidoo kale lagu arkayaa deegaano ay ka mid yihiin Hilowle Gaab, Ceel-bacad, Daaru-nimca ee weliba tuulooyinka kale ee dhanka qoraxsin kaga beegan.

Wararka ayaa sheegaya ciidamadu in ay ka qayb qaadan doonaan gulufka ku wajahan deegaanada istiraatiijiga ah ee Jiliyaale (Jameeca Jiliyaale) iyo Gamboole, iyagoo ka garab dagaalami doona Ciidanka Kumaandooska Danab ee la filayo in ay hawlgalka ka bilaabeen deegaanada dhanka galbeed uga toosan Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu damacsan yahay in ciidamada diyaargarowga ka wada labada gobol ee Hirshabelle ay mar qura wada hawlgalaan, waana marka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu shaaciyo in la soo afjaray hawlgalkii Shabaabka Galmudug, inkastoo talisku uu wax ka bedeli karo qorshaha dagaal ee lagu hujuumayo kooxaha argagixisada.

Wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgal ayuu hadafku yahay in marka hore ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay xoreeyaan deegaanada Galmudug, wareegga labaadna lagu qabto deegaanada dhaca dhinaca galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dhanka kale ciidamo kale oo laga diray Caasimadda Muqdisho ayaa la soo sheegaya in ay gaareen xadka Gobolka Shabellaha Dhexe la wadaago Gobolka Galgaduud. Ciidamada oo isku ballaarinaya dhulka fog ee miyiga ayaa looga dan leeyahay in ay xoojiyaan tallaabada Shabaabka Gobolada Dhexe looga jarayo gurmadkii ay ka heli jireen dhanka Gobolada Koonfureed.

Dhowr iyo toban kun oo askari ayaa la sheegaya in loo diyaariyay hawlgalada laga sameynayo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.