Wararkii ugu dambeeyay Doorashooyinka Galmudug

Doorashooyinka Galmudug ayay u badan tahay inay dib-u-dhac ku imaan doonaan, sababo ku aaddan xalin la'aanta khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa weli bartanka kaga jirta khilaafka siyaasadeed ee Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) kala dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira hannaanka maamulka iyo doorashooyinka lagu wado in laga qabto deegaanada Galmudug.

Gudaha Galmudug kama jiraan wax dhaqdhaqaaq doorasho ah, iyadoo wax ka yar 10 maalmood uu ka harsan yahay waqtiga Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Galmudug oo qorshuhu ahaa in la qabto 20-ka bisha June.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa 3-dii bishii May muddeeyay in sidoo kale Doorashada Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Galmudug ay qabsoomto 2-da bisha July, halka guddigu uu Doorashada Hoggaanka Galmudug uu waqtiga lagu qabanayo ka dhigay 9-ka bishaasi July.

Khilaafka Madaxweyne Qoorqoor iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee miiska saaran ayaa dib-u-dhigaya in Doorashooyinka Galmudug ay waqtigooda ku qabsoomaan.

Labada dhinac ayaa waxaa u socday wada hadalo loogu kala dab qaadayo, inkastoo uu hakad ku yimid, intii lagu jiray maalmihii munaasabadda ee Ciidda Carafo.

Dhexdhexaadiyeyaasha oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa damacsanaa in wada hadalada dib loo bilaabo toddobaadkii hore, waxaase fowdeeyay isku dhacyadii hubeysnaa iyo xiisadihii amni ee ka soo kordhay Magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ayaa kuu sheegaya inaysan jirin cid sheegi karta halka looga dhaqaaqi doono isgoyskan la taagan yahay iyo goorta ay dhamaan doonaan khilaafaadka siyaasadeed ee halista ku ah horu-socodka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dad badan oo reer Galmudug ah ayaa isku diiwaangeliyay inay codeeyaan Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo tan Golaha Wakiilada Galmudug ee ay tahay in laga qabto 11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaan weli bixinta kaarka codbixinta ka bilaabin deegaanada Galmudug, maadaama uu guddigu doonayay inay ku shaqeeyaan Magaalada Dhuusamareeb oo hubanti la'aan amni ay ka jirto, taas oo aysan jirin cid si gaar ah gacanta ugu hayso, marka ay noqoto dhinacyada isku haya siyaasadda Galmudug.