Wararkii ugu dambeeyay fatahaadaha Gobolka Gedo iyo khasaaraha oo kordhay

Gobolka Gedo ayaa xudun u ah daadadka iyo fatahaadaha is biirsaday ee ka jira qaybo ka mida Gobolada Koonfurta, iyadoona gobolkaasi la sheegay in laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee dhimashada.

Roobabka ka da'aya gobolka ayaa horseeday in Webiga Jubba uu si weyn ugu fataho Degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo, Luuq iyo Doolow, halka daadadna ay ku soo rogmadeen Degmada Ceelwaaq.

Wararka ayaa sheegaya in illaa 20 kun oo qoys ay ku go'doonsan yihiin geddiga kale ee Webiga Daawo, gaar ahaan nawaaxiga Degmada Doolow.

Xildhibaan Mustaf Maamow Geeddi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda ay wajahayaan qoysaskaasi, isla-markaana ay qarka u saaran yihiin in ay macluul u dhintaan.

Illaa labaatan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen fatahaadaha ka jira gobolka, sida ay sheegeen masuuliyiinta.

Qulqulka biyaha ayaa sidoo kale cagta mariyay dhul beereed ballaaran oo ku yaala gobolka, waxaana jira dad badan oo sida la sheegay ku hanti beelay.

Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Jubbaland, Maxamed Cismaan Jaamac (Jeemis) ayaa maanta Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ku wareejiyay raashiin, dawo iyo maro kaneeco loogu talagalay in la gaarsiiyo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen ee ku nool Degmada Doolow iyo deegaanada hoostagga.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta tegay Degmada Doolow ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in dowladdu ay dhisi doonto Buundooyinka Degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere. Inkastoo aysan burburin Buundada Degmada Luuq, haddana waxaa la sheegaya in ay qarka u saaran tahay in ay burburto.

Daadadka iyo fatahaadaha halakeeyay gobolka oo ay sababtay duufaanka El-nino ayaa lagu sheegay kuwoodii ugu darnaa ee soo mara gobolkaasi, muddo 100 sano ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Al-Raxma, Sheekh Maxamed Aadan Wadi oo hay’addiisa ay ka hawlgasho deegaanada Jubbaland ayaase ku doodaya in fatahaadahan oo kale aanay hore u soo marin Gobolka Gedo.